Khamiis 4,June 2026 {CBB} Odayaal Dhaqan oo Waan-waan u tagay Guriga uu Muqdisho ka daganyahay Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa muddo saacado ah ku go’doonsan goobtaasi.
Guriga oo ku yaalladegmada Howlwadaag ee Gobolka Banaasir ayaa waxaa ka mid ah Xubnaha ku Go’doonsan Imaamka Mudulood Imaad Daahir,Ugaaska Mudulood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Odayaal kale.
Sidoo kale waxaa goobta horay u joogay Ugaaska beesha Murusade,Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyrre iyo xubno kale oo horay ugu sugnaa Guriga.
Maadaama uu dagaal dhawr mar dhacay uu ku qabsaday Odayaashan halkaas ayaa la xaqiijiyey inay u suurogali la’dahay inay ka baxaan goobta maadaama rasaas dhacayso ciidankiina ay is hor-fadhiyaan.







