Home WARARKA MAANTA Dowladda oo ciidamo xooggan Galisay Dagaalka ay kula Jirto Mucaaridka.

Dowladda oo ciidamo xooggan Galisay Dagaalka ay kula Jirto Mucaaridka.

2
0

Khamiis 4,June 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo xooggan oo kale ku wajahaysa mucaaridka, iyada oo la arkayo ciidan millateri ah oo ku sii jeeda degmada Cabdicasiis oo uu degey Shariif & xaafadda Barmuuda oo aan ka fogeyn Villa-Somalia oo uu ku hoyonayo Kheyre.

Dhinacooda mucaaridka ayaa heleya ciidan gurmad ah oo beeleed.

Iska-hor-imaadyada caawa & galabtay ayaa yimi, iyada oo mucaaridku berri qorshaysanayeen banaanbax-weyn, waxa se berri laga cabsi qabaa isku-dhacyo kale.

Dagaal culus ayaa markale ka bilowday hoyga uu Muqdisho ka degay M/weyne hore Shariif kaasi oo kuyaalla degmada C/casiis.

dhawaqa rasaas iyo hub culus ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa dowladda ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya ciidamada mucaaradka iyo kuwa dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here