Home WARARKA MAANTA Qaramada Midoobay oo Cambaaraysay Rabshadaha Muqdisho

Qaramada Midoobay oo Cambaaraysay Rabshadaha Muqdisho

2
0

Khamiis 4,June 2026 {CBB} Qaramada Midoobay oo Cambaaraysay Rabshadaha Muqdisho, Baaqna u Dirtay Dhinacyada Isku Haya
Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay iska-hor-imaadyadii hubeysan ee ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac rayid ah, iyo burburka kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud, António Guterres, ayaa lagu caddeeyay inaan marnaba la aqbali karin rabshadaha iyo kicinta loo adeegsado dano siyaasadeed, isagoo xusuusiyay dhinacyada oo dhan waajibaadka ka saaran dhowrista shuruucda caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo bini’aadantinimada.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in dadka horseeday, maalgeliyay, ama ka dambeeyay isku-dhacyadan ay wajihi karaan baaritaan iyo maxkamadeyn heer qaran iyo heer caalami ah.

Xafiiska Xoghayaha Guud wuxuu ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan is-xakamayn, ilaaliyaan shacabka, dhowraanna sarreynta sharciga.

Qaramada Midoobay waxay ugu baaqaday dhinacyada isku haya siyaasadda inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal iyo dariiqooyin nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here