Sabti 6 June 2026 {CBB} Ciidanka ammaanka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa howlgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyey xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Howlgalkaan oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga degmada ayaa waxaa hoggaaminayey taliyaha ciidanka Birmadka degmada Wanlaweyn, Sulaymaan Maxamed Yare, iyadoo ciidamada ay baaritaanno iyo kormeerro amni ka sameeyeen goobaha muhiimka ah ee degmada.
Ujeedka howlgalka ayaa Ahaa xoojinta nabadgelyada iyo ka hortagga falal amniga wax u dhimi kara.







