Sabti 6 June 2026 {CBB}
Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu wado howlgal lagu baarayo hub uu tilmaamay in loo adeegsaday dagaalkii ka dhacay Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.
Booliiska ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay soo bandhigi doonnaan hubkaas marka uu soo dhammaado howlgallada lagu uruurinayo si meel la isugu geeyo.
Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa digniin kasoo saaray in hub lagu kaydsado guryahay, waxaana uu ku goodiyay in uu qaadayo tallaab sharci oo ks dhan ah dadkaas sida uu hadalka u dhigay.
Aagga howlgalka Booliiska uu ka socdo waxaa gelinkii dambe shalay laga soosaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, waxaana la wareegay Ciidamada ammaanka oo baaritaanno kawada.
Booliiska Gobolka Benaadir ayaa maalin kahor waxa uu Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay hub uu sheegay in laga soo qabtay Gurigii uu ka dagaallamayay Ra’iisul Wasaare hore, Xasan Cali Khayre.







