Sabti 6 June 2026 {CBB} Dowladda Turkiga ayaa billowday dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Mucaaradka iyada oo saraakiil ka socota Ankara ay la kulmeen labada dhinac si ay isugu soo dhaweeyaan dibna ugu billaabaan wadahadalladii horay ugu socday.
Taliye ku xigeenka Sirdoonka Jamhuuriyadda Turkiga iyo madax kale ayaa booqday Hoyga Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyaga oo kala hadlay qorshaha Ankara ee wadahadalka ay doonayso.
Wafdi kale oo ka socda Turkiga ayaa la sheegay in ay la hadleen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo kala hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Mucaaradka.
Beesha Caalamka ayaa Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ugu baaqday in ay wadahadlaan oo meel isla dhigaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira si looga baaqdo isku dhacdo hubaysan oo markale caasimadda ka dhaca.
La soco wixii kasoo kordha







