Home WARARKA MAANTA Diiwaangelinta Musharraxiinta Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo ka Bilaabatay Baydhabo

Diiwaangelinta Musharraxiinta Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo ka Bilaabatay Baydhabo

1
0

Sabti 6 June 2026 {CBB}Baydhabo:- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabay magaalada Baydhabo diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaciyay in musharraxiinta doonaya inay u tartamaan xilkan ay soo gudbin karaan dukumiintiyadooda iyo shuruudaha looga baahan yahay muddada ay u cayimeen, iyagoo ballanqaaday in howsha diiwaangelinta ay u dhici doonto si hufan oo waafaqsan nidaamka doorashooyinka dalka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay isa soo tarayaan musharraxiinta isu diiwaangelinaya tartanka xilkan muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here