Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Musharax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Qaatay Shahaadada Musharraxnimo ee Hoggaamiyaha...

Sawiro;-Musharax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Qaatay Shahaadada Musharraxnimo ee Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

1
0

Sabti 6 June 2026 {CBB}Baydhabo:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka shahaadada musharraxnimo, isagoo si rasmi ah ugu biiray musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadda guddoonsiinta shahaadada musharraxnimo ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo, halkaas oo guddiga doorashooyinka ay ka wadaan diiwaangelinta musharraxiinta u taagan hoggaanka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujiyay sida uu ugu diyaar garoobay tartanka, isagoo xusay inuu rajeynayo inuu hoggaan wax ku ool ah u horseedo dowlad-goboleedka haddii uu ku guuleysto xilka.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sii xoogeysiga loollanka siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in musharraxiin kale oo badan ay isdiiwaangeliyaan maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here