Baydhabo – Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka shahaadada musharraxnimada.
Guddoomista shahaadadan ayaa ka dhigaysa Shariif Xasan Sheekh Aadan musharrax si rasmi ah ugu tartamaya doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Musharraxa ayaa muujiyay diyaar garowgiisa ku aaddan ka qaybgalka doorashada, isagoo rajo ka muujiyay inuu kasbado taageerada ergada iyo shacabka Koonfur Galbeed.








