Home WARARKA MAANTA Ciidamada ammaanka DFS oo howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo kawada goboalka Shabeelaha Dhexe

Ciidamada ammaanka DFS oo howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo kawada goboalka Shabeelaha Dhexe

1
0

Axad 7, June 2026 {CBB}Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa howlgallo lagu sugayo amniga kawada deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle si ay hor ka dhigis ugu sameeyaan ciidamo hubaysan oo halkaas ku sugan sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Ciidanka Federaalka ayaa howlgalkii ay ka billaabeen Waqooyiga Magaalada Muqdisho usii gudbiyay deegaanno dhaca Gobolka Shabeelaha Dhexe oo soo xiga dhinaca Caasimadda halkaas oo la sheegay in ay u baxsadeen ciidamo hubaysan oo maalmo kahor soo galay Gobolka Banaadir.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacado kahor waxa ay howlgallo hub baaris ah ka sameeyeen Degmooyinka Cabdicasiis, Kaaraan, Gubadley iyo deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.

Booliiska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay howlgallo hub uruurin ah wixii ka dambeeyay markii ciidanka Federaalka iyo kuwa ilaalo u ah Madaxweynihii hore ee Dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore, Xasan Cali Khayre ay isku dhaceen 3dii Bishaan inkasta oo markii dambe lasoo gabagabeeyay howlgalladaas.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here