Home WARARKA MAANTA Booliska Soomaaliya oo sheegsy howlgal wejigiisa seddexaad ee hoowgalka Hub ka dhigista.

Booliska Soomaaliya oo sheegsy howlgal wejigiisa seddexaad ee hoowgalka Hub ka dhigista.

1
0

Axad 7, June 2026 {CBB}Taliyaha Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in hay’adaha amniga caasimadda ay bilaabeen howlgal cusub oo uu ku tilmaamay “qeybtii saddexaad” ee howlgalada socda.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku yiri:

“Hay’adaha amniga Caasimadda waxa ay bilaabeen howlgalka qeybtii saddexaad, Insha-Allah waxa uu ku soo dhammaan doono guul buuxda.”

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay caawa u dhaqaaqeen degmada Gubadley ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay bartilmaameed ka dhiganayaan xubno iyo ciidamo lagu tuhunsan yahay inay taageero u hayaan mucaaradka dowladda.

Howlgalladan iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here