Home WARARKA MAANTA Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya sidii dib u habeyn loogu sameeyn...

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya sidii dib u habeyn loogu sameeyn lahaa warshadaha dalka

1
0

Axad 7, June 2026 {CBB}Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu kaalin ka geysan doono dib u habeynta Warshadihii ay Soomaaliya laheyd burburkii ka hor.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Cusman ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu magaalada Ankara kula yeeshay Wasiirka Warshadaha iyo Teknolojiyadda Turkiga, Mehmet Fatih Kacır.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen dib u soo nooleynta warshadihii Soomaaliya, si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada Maalgashiga iyo teknoolojiyadda oo abuuri kara fursado shaqo.

Labada dhinac ayaa is faham ka gaarey qoddobada laga wada hadlay, waxaana loo ballamay in la sii wado kulamada la xiriira iskaashiga dhinaca Warshadaha.

Soomaaliya ayaa hore u laheyd warshada waa wayn oo kaalin kulahaa horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana kamid ah, Warshadihii Sokorta, Burka Caanaha iyo kuwo kale.

Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee Soomaaliya, isagoo ka taageera dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta Mashaariicda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here