Home WARARKA MAANTA Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey Liiska Musharraxiinta Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey Liiska Musharraxiinta Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

1
0

Axad 7, June 2026 {CBB}BAYDHABO:Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu caddeeyey in musharraxiinta la diiwaangeliyey ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa tartanka, isla markaana ay u gudbeen marxaladda ololaha doorashada.

Guddiga ayaa sidoo kale xusay in habraaca doorashada uu u socon doono si hufan oo waafaqsan sharciga, iyagoo ballan qaaday in la ilaalin doono cadaalad iyo daahfurnaan inta ay socoto doorashadu.

Dhanka kale, musharraxiinta ayaa durba bilaabay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo ololayaal ay ku kasbanayaan taageerada xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona doorashada hoggaanka cusub.

Doorashadan ayaa la filayaa inay si weyn u soo jiidato indhaha bulshada ku dhaqan gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo shacabka ay si dhow ula socdaan isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacaya deegaanadaas.

Hoos ka akhriso ;-

Wixii warar dheeraad ah kala soco warbaahinta Codka Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here