Axad 7, June 2026 {CBB}Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, hay’ado bah-wadaag ah iyo marti sharaf kale. Waxaa ugu horreeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Aadan Cabdullaahi, iyo Agaasimaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Jeylaani Cabdullaahi.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada, iyagoo bulshada ku boorriyay inay door muuqda ka qaataan badbaadinta deegaanka.
Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Dowladda Koonfur Galbeed ay waddo dadaallo lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada, beerista dhirta iyo yareynta xaalufka deegaanka oo saameyn ku leh nolosha dadka iyo xoolaha.
Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq ku wajahan dhammaan bulshada ku nool deegaanada Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan ilaalinta deegaanka, maadaama uu yahay laf-dhabarta nolosha iyo horumarka bulshada.








