Home WARARKA MAANTA Wafdi uu Hoggaaminayo Musharrax Jawaari oo si Diiran loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo

Wafdi uu Hoggaaminayo Musharrax Jawaari oo si Diiran loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo

1
0

Axad 7, June 2026 {CBB}BAYDHABO:Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo musharraxa xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdi Casiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan hore oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdulqaadir Jookar, iyo masuuliyiin kale oo la socday musharraxa, kuwaas oo qayb ka ah ololihiisa doorashada.

Mas’uuliyiin, taageerayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo ayaa halkaasi ku soo dhaweeyey wafdiga, iyagoo muujiyey taageeradooda ku aaddan musharraxa.

Socdaalka musharrax Cabdi Casiis Jawaari ayaa la xiriira dadaallada uu ugu jiro kasbashada taageerada siyaasadeed ee uu kaga qaybgalayo tartanka hoggaaminta Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo inuu kulamo la yeesho xildhibaannada iyo qeybaha bulshada.

Doorashada hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, iyadoo musharraxiintu ay dardar gelinayaan ololahooda si ay u helaan kalsoonida xubnaha Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here