Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Masuuliyiin ka tirsan Caafimaadka DKGS oo ka qeybgalay kulan muhiim ah oo...

Sawiro;-Masuuliyiin ka tirsan Caafimaadka DKGS oo ka qeybgalay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo isku-duwidda howlaha bani’aadantinimo ee Buurhakaba

2
0

Isniin 8, June 2026 {CBB}Buurhakaba,  Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (DKGS) ayaa maanta ka qeybgalay kulan Isku-duwidda Hay’adaha iyo bahwadaagta ka howlgala Degmada Buurhakaba (Area-Based Coordination – ABC Meeting), kaas oo ka qabsoomay gudaha degmadaas.

Kulankan oo si joogto ah u qabsooma labadii toddobaadba mar ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DKGS, hay’adaha caalamiga ah sida UNICEF iyo UNOCHA, iyo sidoo kale hay’ado maxalli ah oo ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ee degmada.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda howlaha bani’aadantinimo, qiimeynta xaaladaha dhabta ah ee ka jira Buurhakaba, iyo sare u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha bixiya adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, biyaha, nafaqada iyo fayadhowrka.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DKGS, Mudane Dr. Cabdirashiid Cabdulkadir Bujeeti, oo shir guddoominayay kulanka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow iyo isku-duwid hufan si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee bulshada, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen abaaraha iyo biyo yaraanta.

Dr. Bujeeti ayaa xusay in qorsheyn wadajir ah iyo iskaashi xooggan ay saldhig u yihiin gaarsiinta adeegyo tayo leh oo ay ka mid yihiin caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka, kuwaas oo si gaar ah muhiim ugu ah dadka nugul.

Sidoo kale, kulanka ayaa noqday madal ay hay’aduhu ku wadaagaan xogaha la xiriira xaaladaha ka jira degmada, caqabadaha jira iyo waxqabadka socda, iyadoo la isla meel dhigay talooyin wax ku ool ah iyo qorsheyaal lagu dardargelinayo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo bulshada Buurhakaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here