Isniin 8, June 2026 {CBB}Muqdisho:Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Cali Mursal, ayaa ka qeybgalay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, isagoo halkaas ku soo bandhigay waaya-aragnimada dowlad goboleedka ee dhinacyada dowladaha hoose, la qabsiga saameynta abaaraha iyo horumarinta bulshada.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay in degmooyinka Koonfur Galbeed ay sannadihii u dambeeyay la tacaalayeen abaaro daba dheeraaday, balse dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen dowladda iyo bulshada ay gacan ka geysteen yareynta saameynta dhibaatooyinkaas. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xoojinta maamulada degmooyinka iyo ka qeybgalka bulshada ay laf-dhabar u yihiin xal u helidda caqabadaha jira.
Sidoo kale, Mudane Cabdifitaax Cali Mursal ayaa ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhismaha goleyaasha deegaanka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha ee qaar ka mid ah degmooyinka, isagoo xusay in tallaabooyinkaas ay muhiim u yihiin xoojinta dowladnimada hoose, matalaadda shacabka iyo kor u qaadista isla xisaabtanka.
Dhanka kale, Wasiir Ku-xigeenka ayaa si gaar ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgelinta xalalka waara ee biyaha, isagoo tilmaamay in kaydinta biyaha roobka iyo horumarinta kaabeyaasha biyaha ay door weyn ka ciyaaraan yareynta saameynta abaaraha iyo sugidda nolol waarta oo bulshooyinka deegaanka ah.
Ugu dambeyn, wuxuu xusay in taageeridda wax soo saarka beeraha iyo abuurista fursado shaqo ay ka mid yihiin tallaabooyinka wax ku oolka ah ee lagu xoojin karo isku filnaanshaha bulshada, isla markaana lagu dhisi karo xiriir dhow oo ka dhexeeya shacabka iyo dowladaha hoose si loo gaaro horumar waara.








