Isniin 8, June 2026 {CBB}Baydhabo:Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu xoojinayo anshaxa ciidanka iyo sugidda amniga guud ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Awaamiirtan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya in ciidamada ay ka fogaadaan arrimaha siyaasadda, iyadoo si cad loo mamnuucay in saraakiisha iyo askartu ay ku milmaan ama ka qeyb qaataan wax kasta oo la xiriira siyaasadda.
Sidoo kale, taliska ayaa faray dhammaan xubnaha ciidanka inay ku laabtaan cutubyadooda, isla markaana ay si joogto ah ugu sugnaadaan goobahooda shaqo si loo xaqiijiyo kala dambeyn iyo diyaar garow buuxa.
Dhanka kale, waxaa si adag loo mamnuucay in rasaas si micno darro ah loogu rido magaalooyinka ama goobaha shacabka, iyadoo la sheegay in askari kasta oo ku xadgudba amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Taliska ayaa sidoo kale mamnuucay in askari uu isku daro dhar shacab iyo hub ciidan, isagoo tilmaamay in cid kasta oo lagu arko falkaas laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga ciidanka.
Ugu dambeyn, dhammaan ciidamada Qeybta 60-aad ayaa lagu amray inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta iyo sugidda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.
hadalkan ayaa ku soo aadeyaa xili diyaargarow hoogleh ka socoda gudaha magaalada baydhabo ee qaban qaabada doorashada hogaanka koonfurgalbeed oo ay dhic doonta 10ka juun iyada oo si weyn u soo jiidato indhaha bulshada ku dhaqan gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo shacabka ay si dhow ula socdaan isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacaya deegaanada koonfurgalbeed soomaliya .
Kala soco wixi warar ku soo kordho codka baay iyo bakool



