Isniin 8, June 2026 {CBB}Baydhabo – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay murashaxiinta u taagan hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay diyaar-garowga doorashada, habraacyada lagu maamulayo geeddi-socodka doorashada, iyo sidii loo xaqiijin lahaa hannaan doorasho oo daah-furan, xor iyo xalaal ah, kana turjumaya rabitaanka shacabka.
Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa murashaxiinta la wadaagay qorshayaasha la xiriira maamulka doorashada iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo kalsoonida dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka doorashada.
Murashaxiinta ayaa dhankooda soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin la xiriira habsami u socodka doorashada, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo ku dhacda jawi nabdoon iyo hufnaan buuxda.
Kulankan wadatashiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo diyaar-garowga doorashada iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Guddiga Doorashooyinka iyo dhinacyada siyaasadeed ee ay khusayso.








