Home WARARKA MAANTA Dowladda Soomaaliya oo hub iyo diyaaradaha dagaalka ku soo bandhigtay Hoteelka Elite

Dowladda Soomaaliya oo hub iyo diyaaradaha dagaalka ku soo bandhigtay Hoteelka Elite

1
0

Isniin 8, June 2026 {CBB}Hay’adaha Amniga ee Soomaaliya ayaa bandhigay hub isugu jira mid culus iyo diyaaradaha nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone, kuwaasi oo yaallay Hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar ayaa sheegay in hubkaan ka kooban yahay qoryaha culus sida BKM, Dhashiike, AK-47, Sabanka iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay goob u dhaxeysa Bulshada in lagu xareeyo hub badan.

“Waa ayaan darro Hotel Elite oo ah goob dadka u dhaxaysa in lagaliyo Hubka intaan la eg oo Qaranka iyo dadka lagu duminaya.” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

Sidoo kale, mar Taliyaha su’aal laga waydiiyay hubkaan inuu yahay mid been abuur ah ayuu yiri  “Wax inaan been sheegno nagu qasbaayo ma jiraan, hub intaan ka badan ayaan heynaa”

Hadalka Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli Milkiilaha Hoteelka Elite, Cabdullaahi Maxamed Nuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here