Home CIYAARAHA ๐–๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฃ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐†๐š๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ž ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐ก๐š ๐ง๐จ๐ช๐๐จ ๐›๐š๐ซ๐š๐š๐ซ๐ฎ๐  ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง, ๐ž๐ž ๐ฒ๐š๐š๐ง๐ฎ...

๐–๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฃ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐†๐š๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ž ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐ก๐š ๐ง๐จ๐ช๐๐จ ๐›๐š๐ซ๐š๐š๐ซ๐ฎ๐  ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง, ๐ž๐ž ๐ฒ๐š๐š๐ง๐ฎ ๐ง๐จ๐ช๐จ๐ง ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ค๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ ๐ฅ๐š ๐ก๐š๐๐š๐ฅ ๐ก๐š๐ฒ๐จ.

2
0

Talaado 9 June 2026 {CBB}ย Xaaladda uu wajahay walaal Cumar Cabdulqaadir Cartan waa arrin uur-ku-taallo ah oo saameyn ku leh muwaadin kasta oo Soomaali ah.

Cartan waa xiddig astaan u ah dedaalka shaqsiga iyo sida uu u matali karo bulsho dhan, xaaladdiisuna waxay u tallaawday Afrika iyo qaybo Carabta ka mid ah oo si adag uga dhiidhiyay is-hortaagga uu kala kulmay Mareykanka, xilli uu shaqo rasmi ah halkaas u tagay.

Waxa dhacay kuma koobna Garsoore Cartan, waa farriin ku socota qofka Soomaaliga ah oo loogu sheegayo qiimaha uu ku leeyahay dal sida Mareykanka oo kale ah.

Mana habboona in lagu ekaado xaaladda Cartan oo keliya, lagana hadlo maalmo kooban dabadeedna la iska illoobo, ama xalal looga tanaasulo jiritaanka asalka ah la doorto, iyadoo lagu raadinayo baasaboorrada ummadaha kale oo qiimo iyo sharaf ay halgan ku bixiyeen lagu hoos galo, taas oo aan xal waara ahayn.

Muwaadinka Soomaaliga ah waxaa maanta hortaalla inuu fahmo qiimaha uu dunida ka joogo, taas oo ka hooseysa xariiqda marka ay Soomaalidu tilmaam ka bixinayso xaaladdeeda oo ay tiraahdo: โ€œLaangaab.โ€

Qiimaha qofka muwaadinka Soomaaliga ah uu dunida ka joogo waa aadane wasaqaysmay oo la iska ilaaliyo, xataa ma jiraan garoomo caalami ah oo, haddii duulimaadkaagu dheeraado, kuu oggolaanaya inaad gudaha u gasho magaalooyinka ay ku yaallaan.

Baniโ€™aadamka si caddaalad ah ayuu Rabbi u simay, balse ummaddu iyadaa doorata sharafka iyo karaamada ay ku noolaanayso, taas oo lagu gaaro inay wax u hurto sidii ay qiimo u yeelan lahayd. Ummad la ixtiraamo waa mid leh dal, dad, qiyam iyo dawladnimo sharaf leh.

Inta badan eedaha maanta jira waxay ku dhacayaan daciifnimada dawladdeed ee Soomaaliya. Waa arrin dhab ah oo haddii ay jiri lahayd dawlad sharaf leh, ma aysan dhaceen waxa uu wajahayo Cartan.

Hase yeeshee, dadku waxay iska indha-tireen in dawladnimadu aysan samada ka iman, ee nidaamka ummad kasta uu noqdo sida ay iyadu tahay.

Gudaha Soomaaliya waa meel aysan caddaaladdu ka jirin, ee takoor iyo qabyaalad ay dadka buuxiyeen.

Muxuu maanta qabiilku garoonka Miami uga gudbin waayay Cumar Cartan?

Dadka Soomaaliyeed ha garowsadaan qaladkooda, hana u istaagaan, waxna ha u huraan sidii ay ku heli lahaayeen dawladnimo ilaalisa sharafkooda.

Haddii kale, si doqonnimo qof kasta ha u degdego xalalka dhow, hana u haajiro dhulalka ummadaha sharafta leh si ay ugu noolaadaan nolol aan sharaf lahayn.

Dawladnimo sharaf leh waxay ka dhex dhalataa ummad sharaf leh. Dawlad aan sharaf lahayn waa ummad aan sharaf lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here