Home WARARKA CAALAMKA In ka badan 100 Ruux ayaa u geeriyootay cudurka Ebola

In ka badan 100 Ruux ayaa u geeriyootay cudurka Ebola

2
0

Talaado 9 June 2026 {CBB}Waxaa sii kordhay dadka ku dhintay cudurka Ebola waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyada oo kiisas cusub la diiwaangeliyay sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan waaxda Caafimaadka Dalkaas.

Tirada dhimashada ayaa hadda gaartay 101 qof iyada oo guud ahaan dadka uu haleelay cudurku ay gaartay 550 ruux oo isugu jira Dadka dhintay, kuwa weli la xannuunsaya iyo kuwa ka caafimaday cudurka Ebola.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay gargaar degdeg ah u raadinayso Dadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo si looga hortago halista faafitaanka degdega ah ee cudurka Ebola oo saamayn taban ku reebay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here