Home CIYAARAHA Falcilin xoogan ayaa ka dhalatay go’aanka maraykanka ku soo ciliyay Garsoore Cumar...

Falcilin xoogan ayaa ka dhalatay go’aanka maraykanka ku soo ciliyay Garsoore Cumar Cartan?

2
0

Talaado 9 June 2026 {CBB}

Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay go’aanka Maraykanka uu dib uga celiyay Dalkiisa Garsoore ugu fiican xiligaan Qaaradda Afrika, Cumar Cabdulqaadir Cartan kaddib markii uu u safray Dalkaas maadaama uu kusoo baxay Liiska Garsooreyaasha ay soo xulatay FIFA.

Hay’adda ugu sarraysa Kubadda Cagta ee FIFA oo saacado badan ka aamusnayd dib u celinta Cumar Cartan ayaa ugu dambayn kasoo hadashay arrintaas iyada oo sheegtay in aanay awoodin faragelinta diidmada Maraykanka.

FIFA ayaa qaadatay go’aan kale oo ah in ay booskaas buuxiso sidaasina looga reebo Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Dal ku galka Maraykanka ku helay sifo sharci ah isaga oo watay dukumiintiyo saxan inkasta oo loo cuksaday diidmada Trump ee Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

FIFA ma faragashato dalka martigalinaya nidaamkiisa socdaalka oo ay ku jirto go’aanada fiisaha, waana lagu wargaliyay mas’uuliyiinta in xaaladda Cartan aan waxba laga beddeli karin waqtigaan” Sidaasi waxaa lagu yiri bayaan uu soosaaray Afhayeenka FIFA.

La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya oo la hadlay BBC ayaa u sheegay in dukumiintiyada Garsoore Cumar Cartan uu watay ay yihiin kuwo sharci, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.

Warbaahinta Caalamka ayaa aad u hadal haysa go’aanka Maamulka Donald Trump uu ku celinayo Dad kasoo jeeda Dalal kala duwan iyo kuwa lagu dhibayo Garoomada ay dhibaato dambe ay ku tahay Dalkaas sida in lagu qabto Koobab kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here