Talaado 9 June 2026 {CBB}Baydhabo, Soomaaliya – Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Baydhabo, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), ayaa maanta ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka oo ay guddoominayeen Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Birmadka, Hay’adda Nabad-sugidda, maamulka Gobolka Baay iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda laamaha amniga.
Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta howlgalada lagu sugayo nabadgelyada iyo kor u qaadista wada-shaqeynta hay’adaha amniga si looga hortago falalka amniga wax u dhimaya.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) ayaa bogaadiyay dadaallada ay ciidamada iyo laamaha amniga ku bixinayaan sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga shacabka iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.
Gabagabadii shirka, masuuliyiintii ka qeybgalay ayaa isku raacay in la sii xoojiyo qorshayaasha lagu sugayo amniga, xasilloonida iyo horumarka deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.