Home WARARKA MAANTA Garsoore Cumar Cartan oo maanta Muqdisho kusoo wajahan

Garsoore Cumar Cartan oo maanta Muqdisho kusoo wajahan

3
0

Arbaco, 10 June 2026 {CBB}Garsooraha Kubadda Cagta ee lagu magacaabo Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Dowladda Maraykanka ay kahor istaagtay in uu ka qaybgalo Koobka Adduunka oo FIFA usoo xulatay in sannadkaan ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho.

Cumar Cartan waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku sugaya mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira Bahda Isboortiska, Dowladda Federaalka iyo dhinacyo kale si ay ugu muujiyaan garab istaag xooggan.

Cartan oo qabsaday saxaafadda Caalamka maadaama si aan wanaagsanayn loola dhaqmay maadaama uu sifo sharci ah ku tagay Dalka Maraykanka balse Xukuumadda Washington ay dib usoo celisay ayaa la qiimaynayaa sida ay u dhacdo soo dhaweyntiisa.

La soco wixii kasoo kordha Codka Baay Iyo bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here