Home WARARKA MAANTA Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Jowhar

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Jowhar

1
0

Khamiis, 11 June 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo booqashadiisa ay ku soo aadayso xilli maamulka Hirshabeelle uu ku jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheynayo inay dhacaan 20-ka June.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Jowhar inuu kulamo wadatashi ah la yeesho hoggaamiyeyaasha bulshada, waxgaradka, shacabka deegaanka iyo masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta maamulka deegaanka.

Doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Hirshabeelle ayaa lagu soo dooran doonaa golayaasha deegaanka iyo xubno matalaya shacabka, waxaana maamulka iyo dowladda federaalku ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada, matalaadda shacabka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kormeero xaaladda guud ee deegaannada Hirshabeelle, isla markaana xarigga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar.

Mashaariicdaas ayaa isugu jira kuwa kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here