Khamiis, 11 June 2026 {CBB}
Hoggaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka, ka dib markii shalay uu ku soo baxay Doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Maamulka Koofur Galbeed, siyaasiyiin, odayaal dhaqan iyo marti sharaf kale.
Aadan Madoobe ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono howlaha nabadeynta dowlad goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan ilaalinta Amniga iyo la dagaalanka AS.
Isbadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli 72 maalmood laga joogo markii xilka laga eryay Madaxweynihii hore Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ka dib markii ay isqabteen Dowladda Federaalka.







