Axad 14 June 2026 {CBB}Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ee Kenya ayaa sheegay in ay weli Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ka sugayaan dhaqangelinta ballanqaadkii ahaa in hoos loo dhigayo qiimaha Shidaalka Dalkaas.
Gaadiidleyda oo horay dibadbaxyo u sameeyay ayaa markii ay la kulmeen ergo ka socotay Madaxtooyada Kenya waxa ay u sheegeen in fariin ay uga sidaan Madaxweyne William Ruto oo la xiriirta hoos u dhigista qiimaha Shidaalka oo sare u kacsan.
Guddi ay leeyihiin Gaadiidleyda ayaa dalbaday kulan ay la qaataan Madaxweynaha Kenya ama ugu yaraan in ay markale arkaan wakiilladii ka socotay Madaxtooyada si loo dhaqangeliyo qiimo dhimista shidaalka oo caqabad ku ah heerka uu haatan joogo.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa horay u sheegay in Dowladdiisa ay qaadayso Tallaabooyin hoos loogu dhigayo cabashada Dadweynaha iyo wadayaasha Gaadiidka ee dhinaca Shidaalka, isaga oo xusay in qiima kororka ay la qabaan Dalal badan.







