Axad 14 June 2026 {CBB}Xukuumadda Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa diyaarisay qaraar ku saabsan in doorashada soo socota ee Maamulkaas ee 2029 laga dhigo mid Dadweyne si meesha looga saaro doorashooyinka Dadban ee muddo wax lagu soo dooranayay.
Qaraarka ay diyaarisay Xukuumadda Deni ayaa berri oo Isniin ah lagu wadaa in la horgeeyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland si uu dood u geliyo kaddibna loo ansixiyo sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas.
Deni oo horay isugu dayay in uu qabto Doorasho Dadweyne ma gaarsiin mid dadku ay kusoo dooranayaan Golaha Wakiillada maadaama Doorashadaas ay haraysay buuq xooggan oo ka yimid dhinaca xubnaha mucaaradka ku ah.
Mar kale ayay Xukuumaddiisa dib usoo cusboonaysiisay qorshaha doorashada Dadweyne oo dhigaya Dastuuska dib loo cusboonaysiiyay 2026 ee Baarlamaanka Federaalka Meelmariyay inkasta oo uu Deni diidan yahay cusboonaysiintiisa.
Kalfadhiga Baarlamaanka ee Berri ayaa lagu xargo-furayaa qorshaha Xukuumadda Puntland, Madaxweyne Siciid Deni ayaa la kulmay Guddoonka Golaha Wakiillada isaga oo kala hadlay in si degdeg ah loo meelmariyo si loo billaabo qorshahaas cusub ee doorashada Qof iyo codka ah.
Haddii uu dhaqangalo hannaankaan waxa ay ka dhigi doonta Dowlad-Goboleedka Puntland in Shacabku doorto Golaha Wakiillada kaddibna Golahaas uu sii doorto Madaxweynaha iyo Ku xigeenka maamulkaas waa marka la gaaro sanadka 2029.







