Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad...

Sawiro;-Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Koonfur Galbeed

2
0

Isniin 15 june 2026 {CBB}Baydhabo, 15 Juun 2026 – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka socda degmooyinka kala duwan ee maamulka.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada iyo Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed, maamulka Wasaaradda Waxbarashada, macallimiin iyo marti sharaf kale.

Hoggaamiyaha ayaa ardayda u fariisanaysa imtixaanaadka ku boorriyey inay muujiyaan dadaalkooda iyo aqoontii ay soo barteen muddadii waxbarashada, isagoo u rajeeyey guul iyo natiijooyin wanaagsan.

Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada, maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta doorka ay ka qaateen diyaarinta iyo hirgelinta imtixaanaadka, isagoo xusay in waxbarashadu tahay saldhigga horumarka bulshada iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa mar kale xaqiijisay inay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo tayada adeegyada waxbarasho, si loo helo jiil aqoon leh oo door muuqda ka qaata horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here