Khamiis 18, June 2026 {CBB} Mareykanka iyo Iiraan ayaa si wadajir ah hab digital ama elektaroonik ah u saxiixay heshiiska is-afgaradka ah ee lagu joojinayo dagaalka, sida uu waxyar ka hor xaqiijiyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Esmaeil Baghaei.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Esmaeil Baghaei ayaa xaqiijiyay in ‘heshiiska nabadeed’ ee lala galay Mareykanka ay labada dhinac si elektaroonik ah u saxiixeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.







