Home WARARKA MAANTA Golaha Wasiirrada oo cambaareeyay Booqashada Cirro ee gudaha Israel.

Golaha Wasiirrada oo cambaareeyay Booqashada Cirro ee gudaha Israel.

1
0

Khamiis 18, June 2026 {CBB}Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u cambaareeyay Safaaradda Maamulka Waqooyi Galbeed ay ka furteen magaalada Qudus ee la heysto.

War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xame Cabdi Barre, waxaana laga dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee dalka.

“Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Golaha ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirrada XFS.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa boggaadiyay Guulaha ay gaareen Ciidamada Qalabka Sida gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah AS ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here