Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Cirro oo qiray in Nidaamka E-visa culeys ku yahay deegaannada Maamulkiisa

Madaxweyne Cirro oo qiray in Nidaamka E-visa culeys ku yahay deegaannada Maamulkiisa

1
0

Khamiis 18, June 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cirro ayaa qiray in nidaamka E-visa ee ay hirgalisay Dowladda Soomaaliya culeys ku yahay dadka Ajanabiga ah ee ka soo jeeda ISL, kuwaasi oo doonaya in ay tagaan deegaannadaasi.

Cirro wareysi siiyay Telefishinka I24 News ee laga leeyahay Israa’iil ayaa su’aal laga waydiiyay sida uu Nidaamka E-visa ku xadiday dadka ka imaanaya Israa’iil ee doonaya in ay si qarsoodi ah ku tagaan gobollada Maamulka Waqooyi Galbeed.

Cirro wuxuu yiri “Waan ognahay dhibaatada ay wajahayaan dadka ka soo jeeda Israa’iil ee doonaya in ay noo yimaadan, taasina waxaa sabab u ah sharuudaha Dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dadka soo galaya dalka, waa dhibaato, waxaana isku dayayna in aan xallino”

Hadalka Cirro ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya hore u sheegtay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay ku ilaalineyso Midnimada iyo Madaxbannaanida dalka.

Nidaamka E-visa ayaa wuxuu hirgalay dhammaadka sannadkii hore ee 2025, waxaana ay dowladda Federaalka kula socotaa dhaqdhaqaaqyada dadka Ajaanibta ah ee doonaya in ay yimaadaan gudaha Soomaaliya.

Bishii Decembar ee sannadkii 2025 ayay Israa’iil ku dhawaaqday in ay aqoonsi siisay Maamulka Waqooyi Galbeed, iyadoo ay jireen isku dayo saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Maamulka Talaabiib ku doonayaan in ay ku tagaan deegaannada Waqooyi Galbeed, iyadoo ay xadiday Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here