Home WARARKA CAALAMKA Madaxweynaha maraykanka oo qiray in Itoobiya ay dhibaato ku hayso Masar

Madaxweynaha maraykanka oo qiray in Itoobiya ay dhibaato ku hayso Masar

1
0

Jimco 19, June 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa qiray in Itoobiya ay dhibaato xooggan ku hayso Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar waa marka la eego tallaabooyinka halka dhinac ah ay Addis Ababa u qaadday ka faa’iidaysiga Biyaha Nile.

Donald Trump oo Faransiiska kula kulmay dhiggiisa Masar, Cabdifitaah Al-Siisi isaga oo sheegay in Dowladdiisa ay dhowr jeer qaadday tallaabooyin toos ah oo ay ku dhexdhexaadinayso Addis Ababa iyo Qaahira si xal waara loo gaaro balse aanay lagu guulaysan.

Trump ayaa Itoobiya ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay Masar oo isku halaynaysay heshiis horay ay u wada galeen, waxa uu soo jeediyay in loo istaago xal u helista xiisadda dalalkaan Afrika ka dhaca Barigeeda iyo Waqooyigeeda.

Itoobiya ayaa horay u diiday dhexdhexaadinta Maraykanka ee arrinta Biyaha Nile waa kahor inta aysan ku dhaqaaqin dhismaha Biyo xireenka uu xarrig jaray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed maadaama Addis Ababa ay Washington ku eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here