Jimco 19, June 2026 {CBB}Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay furimaha hore ee Dagaalka ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana ciidankaas la dardaarmay saraakiisha ciidamada iyo Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad-Goboleedkaas, Sarreeye Gaas, Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.
Ciidankaan ayaa loogu talagalay in ay xoojin u noqdaan ciidamo isugu jira Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ee ka howlgallaya GGobolka Jubada Hoose halkaas oo laga abaabulayo guluf ka dhan ah ‘AS’
Jubbaland ayaa shaacisay in ay doonayso qabsashada deegaannada gacantooda ka maqan ee Gobolka Jubada Hoose si ay ugu gudbaan wajiga xiga ee Gobolka Jubada Dhexe oo intiisa badan ay ku sugan yihiin ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.



