Jimco 19, June 2026 {CBB}Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad wafdi uu hoggaaminayo ayaa duhurnimadii maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Wafdiga Agaasime Mahad Maxamed Salaad waxa uu hordhac u yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo maalmaha soo socda ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb.
Ujeedka safarkooda waa la kulanka madaxda Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxa ay diiradda saari doonnaan howlaha la xiriira geeddi socodka Maamulkaas sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.







