Sabti 20, June 2026 {CBB}Nairobi, Kenya – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Yakub Isak Hussein, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka CEFE ee Tababarayaasha (Training of Trainers – ToT), kaas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Tababarkan ayaa lagu barayay ka qeybgalayaasha hababka casriga ah ee tababarrada iyo horumarinta xirfadaha, si ay awood ugu yeeshaan inay tababaro tayo leh gaarsiiyaan Ganacsiyada Yaryar iyo Dhexdhexaadka ah (SMEs) ee magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.
Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyey dadaalka qabanqaabiyayaasha iyo bahwadaagta taageeray hirgelinta tababarkan, isagoo xusay in tayeynta aqoonta iyo xirfadaha tababarayaashu ay laf-dhabar u tahay horumarinta ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
Mudane Yakub Isak Hussein ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey tababarayaasha ka faa’iideystay tababarka inay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay heleen u gudbiyaan ganacsatada iyo bulshada ay la shaqeeyaan, si loo xoojiyo koboca ganacsiga iyo horumarka dhaqaale ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gabagabadii, ka qeybgalayaashu waxay muujiyeen sida ay uga faa’iideysteen tababarka, iyagoo uga mahadceliyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DKGS iyo dhammaan hay’adaha ka qeyb qaatay hirgelintiisa.








