Home WARARKA MAANTA SAWIRO;-Ku simaha madaxweynaha dowladda koofur galbeed oo si rasmi ah u daahfuray...

SAWIRO;-Ku simaha madaxweynaha dowladda koofur galbeed oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka qaranka ee fasalka 12-aad

2
0

Sabti 20, June 2026 {CBB}Baydhabo, 20 Juun 2026: Ku Simaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiyada sare.

Imtixaanka sanadkan ayaa waxaa u fariistay 7,584 arday, kuwaas oo ku galaya 29 xarumood oo ku kala yaalla 10 degmo oo ka tirsan deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah xarumaha imtixaanka, isagoo ardayda kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal, feejignaan iyo anshax wanaagsan inta uu socdo imtixaanku, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imanaya nidaamka iyo shuruucda waxbarashada dalka.

Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa sheegay in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar waara, isagoo ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada, maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta dadaalka ay geliyeen diyaarinta ardayda.

Ugu dambeyn, Ku Simaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa dhammaan ardayda u rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan, isagoo ku boorriyay inay muujiyaan kartidooda iyo aqoontooda si ay uga mid noqdaan ardayda kaalmaha sare ka gasha Imtixaanka Qaranka ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here