Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka oo xilka ku wareejiyey sii hayaha xilka...

Sawiro;-Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka oo xilka ku wareejiyey sii hayaha xilka guddoomiyaha golaha shacabka

1
0

Sabti 20, June 2026 {CBB}Muqdisho, 18 Juun 2026: Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo si ku-meel-gaar ah u sii hayn doonta xilka ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub.

Xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, iyadoo lagu qabtay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wareejinta xilka kadib markii Sheekh Aadan Madoobe loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa munaasabadda ka sheegay in Aadan Madoobe uu door muuqda ka qaatay horumarinta Golaha Shacabka, dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo xoojinta wada-shaqeynta Golaha muddadii uu xilka hayey.

Dhankiisa, Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey Guddoonka Golaha iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka wada-shaqeyntii iyo taageeradii ay siiyeen muddadii uu hoggaaminayey Golaha, isaga oo xusay in guulaha la gaaray ay ku yimaadeen iskaashi iyo dadaal wadajir ah.

Sii Hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa dhankeeda ku ammaantay guddoomiyihii hore hoggaamintii iyo shaqadii uu soo qabtay, waxayna ballanqaadday in Guddoonka Golaha uu sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha, gaar ahaan howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey sii hayaha xilka Guddoomiyaha warbixinta guud ee Golaha Shacabka, habraacyada maamulka iyo qorshaha istiraatiijiga ah ee Golaha. Sidoo kale, munaasabadda waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Golaha Shacabka, Siciid Maxamed Cadow, iyadoo lagu maamuusay hufnaantiisa shaqo iyo doorkii uu ka qaatay maamulka iyo maaliyadda Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here