Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Dab xooggan oo khasaare hantiyeed ka geystay magaalada jowhar

Sawiro;-Dab xooggan oo khasaare hantiyeed ka geystay magaalada jowhar

1
0

Sabti 20, June 2026 {CBB}Jowhar, 20 Juun 2026: Dab xooggan ayaa maanta ka kacay magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo soo gaaray ganacsato ku sugnaa goobaha uu dabku saameeyay.

Dabka ayaa ka billowday xaafadda Hantiwadaag, Laanta 1-aad, agagaarka dukaanka Yaasin Shop, waxaana la sheegay inuu ku gubtay dhowr dukaan oo lagu iibin jiray qalabka qurxinta (Cosmetics) iyo Ice Cream-ka. Dabka ayaa si degdeg ah ugu faafay goobaha ganacsiga ee isku dhowaa, taasoo keentay burbur soo gaaray hanti badan oo ganacsi.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay in dabku uu baabi’iyay alaabo ganacsi oo tiro badan, inkastoo aan weli la shaacin qiimaha rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay.

Dadka deegaanka, ganacsatada iyo ciidamada gurmadka ayaa si wadajir ah ugu howlgallay daminta dabka, iyagoo ku guuleystay inay xakameeyaan kahor inta uusan ku fidin dhismayaal iyo goobo ganacsi oo kale.

Ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha maamulka degmada Jowhar ama laamaha ammaanka oo ku saabsan sababta dhalisay dabkan, waxaana socda qiimeynta khasaaraha ka dhashay.

Wixii ku soo kordha dhacdadan kala soco wararkeena dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here