Sabti 20, June 2026 {CBB}Muqdisho, 20 Juun 2026: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen saraakiisha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta la dagaallanka dambiyada abaabulan iyo dardargelinta baaritaannada la xiriira falalka ka dhanka ah anshaxa bulshada.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey hababka lagu horumarin karo baaritaannada dambiyada, sare u qaadista tayada shaqada baarayaasha iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga iyo kala dambeynta bulshada.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa saraakiisha CID-da ku adkeeyey in mudnaanta koowaad la siiyo baaritaannada la xiriira dambiyada saameeya bulshada nugul, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, iyadoo si buuxda loo ilaalinayo xuquuqda aadanaha iyo habraacyada caddaaladda.
Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sidoo kale faray baarayaasha inay dardar geliyaan howlaha baarista si loo xaqiijiyo in eedeysanayaasha falalka dambiyada ah lagu horkeeno cadaaladda, isla markaana bulshada loo xaqiijiyo amni iyo kalsooni dheeraad ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan la dagaallanka dambiyada kala duwan iyo kor u qaadista hufnaanta hay’adaha fulinta sharciga.




