Axad ‘ 21 ;June 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe ka rajeeyay in uu waxqabad wanaagsan u qabto Shacabka maamulkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in muddadii uu Guddoomiyaha u ahaa Baarlamaanka uu Aadan Madoobe wax badan qabtay isla markaana shuruuc badan la meelmariyay.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagay Maamulka Koofur Galbeed si lamid ah Dowlad Goboleedyada kale ee Dalka.







