Axad ‘ 21 ;June 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo dhawaan ay is qabteen Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgi Meloni waxaa bannaanka usoo baxay waxa uu salka ku hayo dagaalkooda oo meel sare gaaray.
Trump ayaa haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ah Talyaaniga ku sheegay in ay ka diido in uu Hawada dalkeeda adeegsado intii uu socday Dagaalka uu kula jiray Iiraan.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay samaysay dedaal weyn oo la xiriira sidii ay Roma ugu fasixi lahayd hawadeeda una adeegsadaan Diyaaradaha Militariga ee duullaanka ku ahaa Iiraan balse ay ka diidan.
Doodda Trump iyo Meloni ayaa bannaanka timid kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka uu sheegay in uu haweeneydaas ka diiday in sawir uu la galo.
Jawaab ka timid Talyaaniga ayaa arrintaas lagu beeniyay iyada oo Roma ay eedeyn culus kala dul dhacday 80 jirka Maraykanka hoggaaminayo xiligaan.







