Axad ‘ 21 ;June 2026 {CBB}Wasiiru Dowladaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Balcad ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu safar ku tagay Israa’iil ee Baraha Bulshada aad looga hadal hayo.
Cali Balcad oo qoraal soo dhigay bartiida X waxa uu ku beeniyay wararkaas, waxaana uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn sida uu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Waxa uu xusay in aysan jirin sabab keeni karta in xiligaan uu u safro Israa’iil maadaama aanay xiriir kala dhaxeyn Soomaaliya, sidaas awgeed waxa uu beeniyay wararkaas lagu sheegayo safarka qarsoodiga ah.







