Axad ‘ 21 ;June 2026 {CBB}Baydhabo – Ciidanka Booliiska Birmadka ee Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka fuliyay howlgal amni oo qorsheysan, iyagoo la wareegay xarun ay hore u deganaayeen Ciidanka Daraawiishta.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga guud ee magaalada Baydhabo, iyadoo saraakiisha amniga ay sheegeen in tallaabadan ay muhiim u tahay sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida.
Ciidanka Booliiska Birmadka ayaa muujiyay diyaar-garow iyo karti ay ku xaqiijinayaan amniga, waxayna ballan qaadeen inay sii wadi doonaan howlgallada lagu ilaalinayo shacabka iyo adkeynta ammaanka deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo ka hirgala gobolka.








