Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Ergeyga Midowga...

Sawiro;-Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Ergeyga Midowga Afrika

1
0

 Axad ‘  21 ;June 2026 {CBB}Muqdisho, 21 Juun 2026 – Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida iyo horumarinta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed. Labada mas’uul ayaa sidoo kale iska xog-waraystay dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo doorka Midowga Afrika ee taageerada Soomaaliya.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga si loo gaaro amni waara iyo horumar loo dhan yahay.

Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye ayaa dhankiisa bogaadiyey dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee la xiriira sugidda amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo caddeeyey in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu la garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo dardargelinta geeddi-socodka nabadda iyo xasilloonida dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here