Isniin ‘ 22 ;June 2026 {CBB}Wargeyska Middle East Eye ayaa baahiyay warbixin sheegaysa in Israa’iil ay cutubyo ciidan u dirtay deegaannada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya bilowgii sannadkan.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo la hadlay wargeyska, ayaa shaaca ka qaaday in qiyaastii 50 askari oo ka tirsan milatariga Israa’iil la geeyay deegaannadaasi Waqooyi Galbeed.
Sarkaalkan ayaa xusay in Israa’iil ay si gaar ah u xulatay Askar mid ahaan u eg dadka Afrika sida Itoobiyaan iyo wadamo kale.
Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, oo kulan la qaatay Madaxweyne Cirro ayaa qiray in ay leeyihiin wada shaqeyn dhow, isla markaasna ay iska kaashan doonaan dhinaca Amniga.
Dhawaan Wasiirka Difaaca Maamulka Waqooyi Galbeed, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa beeniyay in Israa’iil ay saldhig ku leedahay deegaannadooda, haddana wuxuu qirtay inay jiraan taageero dhinaca tababarka ah oo ay Israa’iil siiso ciidanka iyo booliska deegaannadaasi.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah ayaa hore u cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil iyo faragalinta ay ku heyso deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed.





