Home WARARKA MAANTA Guddoonka labada aqal oo ka shiray furitaan Kulamada kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka

Guddoonka labada aqal oo ka shiray furitaan Kulamada kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka

2
0

Isniin ‘ 22 ;June 2026 {CBB}Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay u diyaar-garowga iyo dib u furista Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senetarada Aqalka Sare loogu yeeray inay dib ugu soo laabtaan fadhiyada baarlamaanka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah loo furo kalfadhiga cusub oo u calaamadinaya Baarlamaanka 11-aad inuu hadda billaabayo sannadkiisii 5-aad ee shaqada.

Labada Gole oo billaabaya sannadkoodii 5-aad ayaa qoddobada kalfadhigan 8-aad horyaalla waxaa ugu horreeya doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo ay hadda sii heyso Guddoomiye ku xigeenka 1-aad, Sacdiya Yaasiin.

Guddoonka labada Aqal ayaa isku raacay in taariikhda rasmiga ah ee furitaanka kalfadhiga la shaacin doono marka la xaqiijiyo diyaar-garowga farsamo iyo kooramka buuxa ee labada aqal.

Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Xoghayeyaasha Guud ee labada aqal, ayaa lagu muujiyey sida ay guddoonka uga go’an tahay in Baarlamaanku si hufan, daahfuraan iyo masuuliyad leh u guto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here