Home WARARKA MAANTA Wasiir Fiqi “Waxaan rabnaa in si wayn loo dabbaaldego si loo ogaado...

Wasiir Fiqi “Waxaan rabnaa in si wayn loo dabbaaldego si loo ogaado in ay Soomaaliya nooshahay, waayo cadaw badan ayaa soo hawaystay”

2
0

Isniin ‘  22 ;June 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa soo jeediyay in dabbaaldegyo waa weyn loo sameeyo sannad guurada 66aad ee kasoo wareegtay markii Soomaaliya ay xorriyadda ka qaadatay Gumaystihii Talyaaniga & Ingiriiska.

Sidoo kale maalmahaan oo ku astaysan israacii Gobollada Koofurta & Waqooyiga halkaasina ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uu ujeedka loo xoojinayo dabbaaldegga sannadkaan ku sheegay in uu jiro cadaw badan oo Dalka soo hamiyay.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay in cadawdaas loo baahan yahay in la tusiyo in ay weli nooshahay Soomaaliya kana dhiidhinayso cid weliba oo damac kasoo kala kala qaybinteeda iyo faragelinteeda sida uu hadalka u dhigay.

“Sannad guurada 66aad waxaan rabnaa in si wayn loo dabbaaldego si loo ogaado in ay Soomaaliya nooshahay, waayo cadaw badan ayaa soo hawaystay, Israa’iil garab ka raadinta iyo kuwa kale ee maalin weliba ku qayliya in ay wiiqaan awoodda Dowladda” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi.

Gobollada Waqooyiga ayaa madaxbannaani ka qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii June 1960, halka Koofurta isla sannaadkaas waa 1dii July (Luulyo) madaxbannaani ka heleen gumaystihii Talyaaniga waxaa isla xiligaas is raacay labada Gobol ee Waqooyi & Koofur.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here