Home WARARKA MAANTA RW Xamsa Cabdi Barre oo ku wajahan Dhuusamareeb

RW Xamsa Cabdi Barre oo ku wajahan Dhuusamareeb

2
0

Talaado, Juun 23, 2026 –{CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu ula kulmo mas’uuliyiinta Maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Xamsa Cabdi Barre waxaa Dhuusamareeb uga sii horreeya Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad oo kulamo kala duwan la qaatay madaxweyne Qoorqoor, mas’uuliyiinta Galmudug & qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ku biiraya kulamadaas lagu doonayo in looga hadlo Qorshaha Mustaqbalka Dowlad-Goboleedka Galmudug sida Doorashada & Isbaddelka cusub uu geli karo maamulkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa sidii ay Dowlad-Goboleedka Galmudug uga qaban lahayd Doorashooyin Dadweyne si lamid ah Gobolka Banaadir iyo Maamulka Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here